Home arrow News in Somali
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:19
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:80
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:243
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:368
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Sep 06 2008
Xubno ka Tirsan Isbaheysiga Asmara oo Gaaray Kismaayo
Written by Ali Moallim   
Saturday, 06 September 2008

Kismaayo,(insidesomalia.org)- Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay shalay galinkii dambe soo gaartay Magaaladaasi diyaarad weyn oo sidey Xubno ka mid ah Mucaaradka Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan qolyaha Fadhigoodu yahay Magaalada Asmara.

 

Wafuudaasi waxaa soo dhaweeyey xubno ka tirsan Isbaheysigooda oo jooga Magaalada Kismaayo, waxa ayna xalay oodhan lahaayeen kulamo hoose oo ay uga hadlayaan xaaladaha Magaalada.

 

Warar hoose oo ka soo baxaya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ay Xubnahan xalay la kulmeen Sheekh Xasan C/laahi Cali (Xasan Turki) oo ka mid ah Kooxaha ka soo horjeeda Dawladda Faderaalka  KMG ah ee Soomaaliya.

 

Warka ayaa sheegaya in ay Xubnahan gudoonsiiyeen Wadaadkaasi iyo Kooxihii horey Magaalada ujoogay kaalmooyin ay kala soo kicitimeen Magaalada Asmara oo ay mudo ka badan 1 sanno joogeen.

 

Ujeedada ay utageen Magaalada Kismaayo ayaa lugu sheegay mid ku wajahan sidii loo dhisi lahaa Maamul wax ka qabta Adeegyada Bulshada ee Magaalada Kismaayo, markaasna dibu heshiisiin loo dhex dhigilahaa Beelaha ku dhaqan gobalkaasi.

 

Diyaarada ka soo qaaday Wafdigan Magaalada Asmara, waxa ay markii dambe ku laabatey Magaalada Nayroobi ee xarunta Dalka Kenya, waxaana ay noqotey diyaaradii ugu horeysay ee Kismaayo timaadaa ilaa maalintii Magaalada laga saaray Barre Hiiraale.

 

Tagida Xubnahan ee Jubada Hoose ayaa ku soo beegmaysa xili lafilayo in ay Shabeelada dhexe tagaan Wafuud uu hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwasoo ah Mucaaradka Dawladda Soomaaliya ee dhawaan saxiixay heshiis ku aadan nabad ku soo celinta Soomaaliya.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >